Iframe sync FAAIIDADA CAAFIMAAD EE QARAHA INOO LEEYAHAY Skip to main content

FAAIDADA UKUNTA AY CAAFIMADKA ULEEDAHAY

  UKunta isticmaalkeedu ma mid inoo wanaagsanba   Imisa ukuna ayaan maalinki cuni karnaa Haa oo ukunta waxay naga caawinta siaan uga helno nafaqooyinka jirkeena uu sida maalinlaha ah ugu baahanyahay. Ukunta waa meesha ugu wayn ean kanhelno proteinka taas oo ka kooban  inkabadan 13kamida fitamino iyo macdano. Ukunta waxay qani ku tahay fitaminada kala ah VitaminA,VitaminD,vitaminE. iyo Omega3, fatty acid oo shaqadadoodu  ay kamid yihiin inay ka qaybqaatan caafimadka maskaxda, dheefshiidka,caafimaadka lafaha,caafadka wadnaha iyo yaraynta kalastatoolka ,koritaanka timaha iyo maqaarka. Ukunta waxay ka saarta sunta jirka ka, ukunta waa meesha ugu wayn oan ka helno proteinka. Ukunta waxaan ka heli karnaa maadada loo yaqaano "choline" oo ufiican hooyada uurka leh. Ukunta qaybteeda cad 60% waaxay ka koobantahay proteinka halka inta soo hartay ee jaalaha ah ka koobantahay fitamiinada iyo macdana kala duwan.  Imisa boratiina baa ukuntu ka koobantahay   Ukuntu wa...

FAAIIDADA CAAFIMAAD EE QARAHA INOO LEEYAHAY


Qaraha ama xabxabka waa khudaarta ugu wanaagsan ee uu jirkaagu kaheli karo biyo  kufilan maxaa yeelay 90% qarahu waxaa uu ka koobanyahay biyo.

Waxaa kale oo Qarahu aad ugusii fiicanyahay dadka aan biyaha aadka u cabin waxayna biyaha  lasii isticmaali  karaan qaraha inta cabida biyaha ay kala qabsanayaan  waxayna qaraha kasii heli karaan biyo kufilan.

 Qaraha waa mid aad ugu wanaagsan caafimaadka qofka faaido badan waa uu layahay waxaana kujiro nafaqooyin badan sida macdano iyo fitamiino waxaana kamida potassium,magnisium,VtaminA,vitaminC, lycopene.





Faaidooyinka ugu waawayn ee qaraha uu leyahay waxaa kamida


1-Caafimaadka wadnaha ayaa ufiicanyahay 

qaraha waxaa uu ufiicanyahay wadnaha waxaana uu hoos udhigtaa kalastaroolka xun ee looyaqano "LDL" waxaa kale oo hoos udhigaa dhiikarka taaso ka qaybqaadanaysa caafimaadka wadna.

Hadaba Hadii aan la yarayn kalastaroolka noociisa xun  waxay kaladhalan kara in ay xirmaan xidida dhiiga  wadnaha geeya ama xinjirooban taaso  dhibaato caafimaad ugaysanaysa wadnaha.

Sidoo kalena Qarahu  waxaa uu faaido uleeyahay caafimadka maskaxda  hadii uu kalastaroolku xiro xididada dhiiga geeya maskaxda mudo dheerna aan ladaawayn waxay sabab unoqon karta in qofka stroke ama faalig uu ku dhaco.

Qaraha ayaa  ka qayb qaata in layareeyo khatarta kalastaroolka waxaana uu hagaajiyo caafimadka wadnaha iyo maskaxdaba.

2-Waxaa kale oo uwanaagsanyahay dheefshiidka

Qaraha waxaa  uu ufiicanyahay dheefshiidka qofka waxaana uu kahortegaa in qofka calooshu istaagto waxaana ka caawinaya isagoo inta ugu badan biyo ka kooban iyo iyo fiber oo calool istaaga kahortegta Waxaa dhakhatiirtu kula talinayaa dadka kacabanaya calool istaaga in ay qaraha istimaalaan uuna faaido wayna uleeyahay

3-Waxaa ku jira  Qaraha nafqooyin badan.

Qaraha waa kaheli kartaa fitamino badan oo ay kamidyihiin fitaminC oo shaqooyinka ugu waawayn ee uu inoo qabtaa kamidyihiin kor uqaadida habdhiska difaacena,collagen inuu ku sameeyo, iyo dhaawacyada qofka kudhaca inay si degdeg uraystaan.

 Sidoo kale  FitaminA oo indhaha aad ugu wanaagsan .

4- Waxaa uu kor uqaada difaaca jirka 

 qaraha waxaa uu kor uqaada habdhiska difaaca jirka waxaana kujira qaraha fitaminC  oo ka caawiya in habdhiska difaaca kor uqaado kana hortego infectionada iyo xanuunada in si sahlan kuugu dhacaan.

Sidoo kale waxaa FitaminC kaqayb qaata dhaawacyada qofka soo gaara inay si degdeg ah ay ku raystaan.


k

















5-Waxaa kale oo qarahu ka hortegaa caabuqyada 

 qaraha waxaa uu kahortegaa caabuqyada jirka ku dhaca  waxaana kamida astaamaha aad ku garan kartid in caabuqyadaas in jirkaaga ka dareento qandho badan,barar jilbaha ah, iyo kala goysya xanuun.

waxaana qarahu ka hortegayaa caabuqyadas inay kugu dhacaan hadii aad si joogta ah uisticmaasho qaraha.

maadada qaraha laga helo ee loo yaqaano "lycopene" iyo fitaminC  ayaa ah kuwo  oo kahortega caabuqyada kudhacaan jirkeena.

6- Waxaa  Qaraha loo isticmaali karaa miisanka dhimista

 Qaraha waxa uu ka qayb qaata yaraynta miisaanka qofka waxaana qaruha intiisa ugu badan ka samaysanyahay biyo waxaana ognahay biyuhu inay ka qayb qaatan miisan dhimista waxaa kale oo kujirta  "aamino acid"  waxayna inoo qabataa in ay dhisto murqahaha waxayna bur buriso baruurta aidaas ayayna uga qayb qaadataa miisan dhimista.

7-Qarahu waxaa uu kahortegaa kansarka

qaraha waxaa uu kahortegaa khatarta kansarka Waxaana ka caawinaysa maadada ku jirta ee loo yaqaano "lucopene"  maadadam ayaa ah mid  kahortegta in caabuqyada ku dhaca jirka ay isu bedelaan kansar waxayna joojisa unugyada kansarkarka sababa inay koraan ayna kusii faafan jirkeena waxaana kamida noocyada kansarka uu kahortego qarahu kan sambabada ,dheefshiidka kan ku dhaca, iyo qanjirka  loo yaqaano prostate galnd.


8- Waxaa Qaraha uu ufiicanyahay Caafimaadka indhaha

Qaraha waxaa ku jirta maado loo yaqaano "lycopene"  waxayna kahortegtaa caadka indhaha ku samaysma kaaso dhaawici kara aragtida qofka una horseedi kara indhola'aan taaso in badan lagu arko dadka waayelada ah.

Waxaa  kale  oo qarahu uwanaagsanyahay dadka indhahooda biyuhu ku yaraadan qarahu wuxuuna kailaaliyaa qalaylka indhaha ku yimaada.

9: Waxaa Qaraha uu hoos udhigaa  dhiikarka

Qaraha waxa uu ka qayb qaata dejinta dhiikarka

Waxaana kujirta "potassium" oo ka caawinaysa in hoos loo dhigo  dhiikarka ayna yaraato dhibaatooyinka dhiikarku caafimaadka ukeeni karo.

10-Maqaarka ayuu qurxiyaa

Qaraha waxaa uu qurxiyaa maqaarka waxaana ku jira fitamiino u wanaagsan maqaarka sida fitamiA,FitaminC,IyoB.

Dhamaan fitaminadan oan qaraha ka helno  waxay ka qayb qaataan qurxinta maqaarka iyo inay ka hortegaan in maqaarkeenu yeesho  qalayl iyo in adkaado waxayna kadhigayaan  mid qoyan iftiinmaya oo dhalaalaya collagena uukahelo maqaarku si aysan  lumin quruxdiisu.


Comments

Popular posts from this blog

FAAIDADA UKUNTA AY CAAFIMADKA ULEEDAHAY

  UKunta isticmaalkeedu ma mid inoo wanaagsanba   Imisa ukuna ayaan maalinki cuni karnaa Haa oo ukunta waxay naga caawinta siaan uga helno nafaqooyinka jirkeena uu sida maalinlaha ah ugu baahanyahay. Ukunta waa meesha ugu wayn ean kanhelno proteinka taas oo ka kooban  inkabadan 13kamida fitamino iyo macdano. Ukunta waxay qani ku tahay fitaminada kala ah VitaminA,VitaminD,vitaminE. iyo Omega3, fatty acid oo shaqadadoodu  ay kamid yihiin inay ka qaybqaatan caafimadka maskaxda, dheefshiidka,caafimaadka lafaha,caafadka wadnaha iyo yaraynta kalastatoolka ,koritaanka timaha iyo maqaarka. Ukunta waxay ka saarta sunta jirka ka, ukunta waa meesha ugu wayn oan ka helno proteinka. Ukunta waxaan ka heli karnaa maadada loo yaqaano "choline" oo ufiican hooyada uurka leh. Ukunta qaybteeda cad 60% waaxay ka koobantahay proteinka halka inta soo hartay ee jaalaha ah ka koobantahay fitamiinada iyo macdana kala duwan.  Imisa boratiina baa ukuntu ka koobantahay   Ukuntu wa...

MAXAAD KALA SOCOTAA FAAIDADA TOONTA AY CAAFIMAADKA ULEEDAHAY

Toonta waa mid kamida khudaarta aadka loo isticmaalo gaar ahaan soomaalida ayaa kamid ah dadka sida joogtada uisticmaala kuna darsada cunooyinka waxaana cunada usamaysa caraf iyo dhadhan macaan waxaana ay faaido wayn uleedahay caafimaadkena. Halka ay dadka qaarkood lagayaabo in aysan jeclayn isticmaalkeda oay dhadhankeda dhibsadaan waxaase kasii badan  dadka isticmaala faaidooyinka caafimad oo ay ka heli karaa. Toonta waxaa laga helaa macdano  iyo fitamiino badan oay kamid yihiin fitaminadaC,FitamiB6,manganise, fiber,selenium. Toonta waxaa ay daawo utahay xanuuno badan waxaana kamid hargabka,waxay hoos udhigtaa  dhiikarka,kalastaroolka iyo xanuuna kale oan faahfaahin doono. Dadka qaarkood waxay uisticmaalan biyo inay ku darsadaan oo aroorta hore cabaan calooshoda oo maran waxayna faaido utahay sunta oay kasaarto jirka. 10Faaido oo ugu waa wayn ee toonta laga heli karo 1-Waxaa ay Toontu  daawo utahahay hargabka Toonta waxaa ay aad ugu fiicantahay qof hargabsan hadii h...