UKunta isticmaalkeedu ma mid inoo wanaagsanba Imisa ukuna ayaan maalinki cuni karnaa
Haa oo ukunta waxay naga caawinta siaan uga helno nafaqooyinka jirkeena uu sida maalinlaha ah ugu baahanyahay.
Ukunta waa meesha ugu wayn ean kanhelno proteinka taas oo ka kooban inkabadan 13kamida fitamino iyo macdano.
Ukunta waxay qani ku tahay fitaminada kala ah VitaminA,VitaminD,vitaminE.
iyo Omega3, fatty acid oo shaqadadoodu ay kamid yihiin inay ka qaybqaatan caafimadka maskaxda, dheefshiidka,caafimaadka lafaha,caafadka wadnaha iyo yaraynta kalastatoolka ,koritaanka timaha iyo maqaarka.
Ukunta waxay ka saarta sunta jirka ka, ukunta waa meesha ugu wayn oan ka helno proteinka.
Ukunta waxaan ka heli karnaa maadada loo yaqaano "choline" oo ufiican hooyada uurka leh.
Ukunta qaybteeda cad 60% waaxay ka koobantahay proteinka halka inta soo hartay ee jaalaha ah ka koobantahay fitamiinada iyo macdana kala duwan.
Imisa boratiina baa ukuntu ka koobantahay
Ukuntu waxay ka koobantahay 7-8gram oo boratiin dhamaystiran
Ukunta boratiinkeeda aan ka helno waxaa kadhigaya mid dhamaystiran waa inay ka koobantahay 9ka aamino acidka ee lagama maar maanka ah
Imisa ukun ah ayaan ubaahanahay inaan cuno maalinki
Ukunta aan si maalin laha ah ugu baahanay caafimadkena uwanaagsan waa hal ama laba hal oo kamida waa ay inaku filantahay
Keliya qofki leh kalastaroolka baa lagula taliyaa inuu iska yareeyo isticmaalkeda badan ee ukunta.
10ka Faaido ee ugu waa wayn oo laga helo ukunta
1-Ukunta waxaan kaheli karnaa nafaqo
Ukunta waxan ka heli karnaa nafaqooyinka jirkeenu u baahid qabo nafaqooyinkaasna waxaa kamida VitaminD,vitaminB12, VitaminA,Eiyo macdahana iodine,omeg3,fattyacid,Aminoacid.
2-waxaad ka heli kartaa protein dhamaystiran
Ukunta Boratiinka aan ka helno waxaa kamida "amino acid" kaas oo jirkeenu aanu samaysan karin noociisaloo yaqaano "assential Amino Acid" waxaan kaheli karaa cunooyinka ay ukunta ugu horayso.
boritiinkaan wuxuu muhiim noogu yahay inuu hagaajiyo caafimadka maskaxda"sida hurda kufilan in qofku helo iyo niyad wanaagsan, wel welka inuu yareeyo "
Sidoo kale miisaan dhimista, oo u sameeyo iyo caafimadka murqaha inuu kor uqaado siiba xiliyada uu qofku jimicsiga badan sameeyo oo uu murqaha xanuun ka dareemayo, korinta murqaha, , waxaa kale oo ay ufiicantahay "AminoAcid" dadka beerka ka xanuunsanaya.
waxaana kaheli kartaa "Amino acid" cunooyin badan sida hilibka, caanaha , kaluunka, iyo ukunta oo ah mida ugu wayn ee laga heli karo.
3-Waa meesha aan ka helno macdanta Choline
Ukunta waxaan ka helnaa macdanta choline
Oo faaido uleh unugyada maskaxda inay samaysmaan iyo shaqada maskaxda oay kamid tahay xasuusta.
Waxaa kale oo ay aad ugusii fiicantahay hooyada uurka leh iyo hooyada nuujinaysa labadaba.
Macdanta Choline in kugu filan aad ka heshaana waxay kaa caawinaysa si caadiya ay maskaxdu ukorto.
4- Waxay kor uqaada caafimadka wadnaha
Ukunta waxaa laga helaa nafaqooyin caafimadka wadnaha ufiican waxaana kamida betaine and choline.
Baaritaano caafimaad oo lagu sameeyay wadanka china waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaala si joogta ah maalinkasta hal xabo ukuna in ay ku yartahay in ay lakulmaan xanuunada wadnaha ku dhaca iyo stroke ama faaliga.
5-Waxay kor uqaada caafimadka indha
Inta badan marka ay dadka da'doodu waynaato waxaa lagu arkaa indhaha aragooda in hoos udhac kuyimaado oo ay sidii hore kasoo yaraato aragoodu waxaa jira cunooyin kor uqaada caafimaafka indhaha waxaana kamida kuwa ugu muhiimsan ukunta.
Ukunta dadka sida joogtada ah u isticmaala inta badan aan lagu arag in aragtida indhahooda wayku yartahay in ay hoos udhac kutimaado.
Ukunta waxaa laga helaa weliba qaybteeda jaala ah waxay qani ku tahay macdanha la yiraahdo "carotenes,lutein,zeaxanthin" waxayna ka hortegaan caadka daboola araga indhaha.
Sidoo kale Ukunta waxaa laga helaa Vitamin A, oo ka qaybqaata caafimadka indhaha.
6-Caafimadka murqaha ayay nafaqo siisa ukunta
Boratiinka Ukunta laga helo waxaa uu ufiicantahay caafimadka murqaha , waxaana uu ka hortegaa xanuunada kudhaca murqaha ee kadhigaya kuwo aan awood lahayn xaaladas oo loo yaqaano "sarcopenia"
Qaab dhismeedka murqaha bayna qayb wayn ka qaatan caafimadka murqaha iyo jimicsiga marka uu qofka sameeyo kana dhigaa murqaha kuwa shaqaynaya.
Sidoo kale caafimadka lafaha iyo xanuunada ku dhaca bay ka hortegtaa isticmaalka ukunta.
7- Waxay kor uqaada difaaca
Ukunta waxay xoojisaa difaaca waxaana ka caawinaya proteinka ay ka koobantahay
Sidoo kale ukunta waxay qani ku tahay VitaminD,zinc,selenium.vitaminE, dhaman waxay ka caawinayan inay kor uqaadan difaaca jirka.
8-Ukunta waxaa ka heli kartaa VitaminD
Ukunta waxaa aad ugu badan fitaminD weliba waxaa laga helaa qaybteeda jaala ah.
Baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay dad ay ku yaraatay fitaminD oo udhashay Australia ayaa tijaabo ahaan loo siin jiray maalin walba laba xabo oo ukun ah.
Baaritaankas waxaa kasoo baxay natiijo lagu guulaystay oah in 82% dadki ukunta ay ka heleen vitaminD inta larabay maalin walba inay qaatan.
FitaminD waxaa uu qayb muhiima ka qaata in calciumkii loo baahna lahelo taas oo sababaysa in lailaaliyo caafimaadka lafaha iyo ilkaha sidookale fitaminD waxaa uu ka qayb qaata kor uqaadida difaaca jirka iyo caafimaadka murqaha.
9-Waxay uwanaagsantahay caafimaadka maskaxda
Ukunta waxay ufiicantahay caafimaadka waxay kamid tahay cuntooyinka yareeya welwelka qofkuna ku dareema deganaan maskaxeed.
Ukunta waxaana laga helaa fitaminada iyo macdano kala ah vitaminB2,vitaminB12.choline,iron dhamaantood waxay ka qaybqaatan inay yareeyan welwelka badan oo ah calamadaha lakulmaan in badan oo kamida dadka qaba depressionka waxaana si dabiiciya qofku ukunta uga helayaa degnaan maskaxeed iyo hurda kufilan.
10-ukunta waxay ka qayb qaadata miisaan dhimista
Waxay ukuntu qani kutahay booratiin barootiinkaas oo qofka ka dhigaya mid aan mudo dheer wax gaajo ah dareemin taasna waxay ka caawinaysa dadka raba miisan dhimis inay sameeyaan inay wakhti dheer badan wax cuno ah ubaahan
Baaritaano lagu sameeyay ukunta waxaa lagu ogaaday inaad cunida ukunta ku dareento inaad dheregsantahay oo wax gaajo ah aysan horay kaa qabanayn ay sabab utahay:
- Inu kor uqaado hormoneka kaa caawinaya inaad dhereg dareento markaa ukunta cuntid
-Tamarta qofka inay badiso
-inay dheerayso wakhtiga cunada caloosha looga saari lahaa.
Comments
Post a Comment