Iframe sync MAXAAD KALA SOCOTAA FAAIDADA TOONTA AY CAAFIMAADKA ULEEDAHAY Skip to main content

FAAIDADA UKUNTA AY CAAFIMADKA ULEEDAHAY

  UKunta isticmaalkeedu ma mid inoo wanaagsanba   Imisa ukuna ayaan maalinki cuni karnaa Haa oo ukunta waxay naga caawinta siaan uga helno nafaqooyinka jirkeena uu sida maalinlaha ah ugu baahanyahay. Ukunta waa meesha ugu wayn ean kanhelno proteinka taas oo ka kooban  inkabadan 13kamida fitamino iyo macdano. Ukunta waxay qani ku tahay fitaminada kala ah VitaminA,VitaminD,vitaminE. iyo Omega3, fatty acid oo shaqadadoodu  ay kamid yihiin inay ka qaybqaatan caafimadka maskaxda, dheefshiidka,caafimaadka lafaha,caafadka wadnaha iyo yaraynta kalastatoolka ,koritaanka timaha iyo maqaarka. Ukunta waxay ka saarta sunta jirka ka, ukunta waa meesha ugu wayn oan ka helno proteinka. Ukunta waxaan ka heli karnaa maadada loo yaqaano "choline" oo ufiican hooyada uurka leh. Ukunta qaybteeda cad 60% waaxay ka koobantahay proteinka halka inta soo hartay ee jaalaha ah ka koobantahay fitamiinada iyo macdana kala duwan.  Imisa boratiina baa ukuntu ka koobantahay   Ukuntu wa...

MAXAAD KALA SOCOTAA FAAIDADA TOONTA AY CAAFIMAADKA ULEEDAHAY










Toonta waa mid kamida khudaarta aadka loo isticmaalo gaar ahaan soomaalida ayaa kamid ah dadka sida joogtada uisticmaala kuna darsada cunooyinka waxaana cunada usamaysa caraf iyo dhadhan macaan waxaana ay faaido wayn uleedahay caafimaadkena.

Halka ay dadka qaarkood lagayaabo in aysan jeclayn isticmaalkeda oay dhadhankeda dhibsadaan waxaase kasii badan  dadka isticmaala faaidooyinka caafimad oo ay ka heli karaa.

Toonta waxaa laga helaa macdano  iyo fitamiino badan oay kamid yihiin fitaminadaC,FitamiB6,manganise, fiber,selenium.

Toonta waxaa ay daawo utahay xanuuno badan waxaana kamid hargabka,waxay hoos udhigtaa  dhiikarka,kalastaroolka iyo xanuuna kale oan faahfaahin doono.

Dadka qaarkood waxay uisticmaalan biyo inay ku darsadaan oo aroorta hore cabaan calooshoda oo maran waxayna faaido utahay sunta oay kasaarto jirka.







10Faaido oo ugu waa wayn ee toonta laga heli karo


1-Waxaa ay Toontu  daawo utahahay hargabka

Toonta waxaa ay aad ugu fiicantahay qof hargabsan hadii hargab kugu dhaco daawada ugu fiican oad isticmaali kartaa waa toonta waxaana lagu ogaaday baaritaano caafimaad inay soo gaabiso mudada qofku la xanuunsanayo hargabka ayna ugu badnaan kaga daawaynkarto 2 beri halka dadka aan isticmaalin toonta lagu arkay inay 5beri iyo kasii badan kuqaadato xiliga ay uga raysan karaan hargabka.

2-Caafimaadka wadnaha

Toonta waa mid uwanaagsan caafimaadka wadnaha waxaayna kor uqaada "Nitricoxide" Taaso sababaysa in hoos loo dhigo dhiikarka iyo Faaliga ama stroke, yaraysana kalastaroolka.

 baaritaano caafimaad oo lagu sameeyay toonta waxaa lagu ogaaday in 15% dadka isticmaala toonta ay ka khatar yaryihiin in kalastaroolku kudhici karo dadka kale aan isticmaalin toonta.

3-waxay kor uqaada habdhiska difaaca

Toontu waxay ufiicantahay habdhiska difaaca iyado ka caawinaysa inay ka hortegaan xanuunada sida  hargabka toonta waxay xoojisaa shaqada difaaca unugyada  dabiiciga  ee difaaca kuwaas oo shaqadoodu tahay  inay burburiyan oo meesha ka saaran jermisyada iyo wax walba oo jirka soo gala xanuunada uhorseedi kara.


4-Waxaa uu ufiicanyahay caafimaadka lafaha

Toontu waxay aad ugu wanaagsantahay caafimaadka lafaha waxayna kordhisa shaqada hormonka lagu magacaabo "oustrogen" hormoonkan oo caafimadka lafaha uwanaagsan waxayna aad ugiisi wanaagsantahay dumarka gaar ahaan kuwa da'doodu wayntahay oo hormoonkani uu ku yaraado.

5-Waxay ufiicantahay dheefshiidka

Toonta waxay ushaqaysaa sida daawoyinka qalaniyaasha ah  weliba waykasii waxtar badantahay  waxaana lagu ogaaday baaritaan caafimaad  oo lagu sameeyay toonta in ay ka waxtar badantahay daawoyinka qalajiyaasha 100 jeer ka badan ay toontu ka faaidobadantahay waxayna inta badan daawo utahay bacteriyada caloosha ku dhacda ee loo yaqaano "campylobacter"becteriyadaas waxaana kamida astaamaheeda                      calool xanuun,lalabo,matag,shuban,madax xanuun.

 waxaana inta badan ay ka sababa cunooyinka ceerinka oaan sifiican loo bislayn ee la cuno.

6-Kahortega kansarka

Waxaa in badan aduunku ku mashquulsanyahay sidii dawo ku haboon oo looga hortego lagu heli lahaa kansarka oo dhibaato badan ku haya dadka aduunka baaritaano badan oo lasameeyay waxaa lagu ogaaday in Toonta tahay tan ugu wanaagsan ee looga hortego  kansarka waxaana ku jirta maado layiraahdo"Allicin"

Isticmaalka toonta waxaa laogaaday inay faaido  uleedahay kahortega kansarka waxayna Toontu bur burisaa burooyinka qayba jirka ku samaysma kuwaas oo sababi karta inay kansar isu bedelaan.


7-Toontu Waxay kahortegtaa caabuqyada ku dhaca kala gaysyada

Toontu waxay daawo utahay caabuqa kalagoysyada ku dhaca waxayna ka hortegtaa in dhaawac soo gaaro carjowyada taas oo sabab unoqonkarta in qofka uu ku  dhaco xanuunka loo yaqaano "arthritis"


8-Waxa ay ka qayb qaadata Quruxda maqaarka iyo tintaba

Toonta waxay kor uqaada quruxda maqaarka marwalba oo qofka da'diisu sii waynaato waxaa kuyaraada collagenka oo ah proteinka ka shaqeeya in qofka jirkiisa inuu ahaado mid adag oo qurxoon waxaana qofka maqaarkiisa lagu arkaa marka uu ku yaraado collagenka in uu soodebco duudubna yeesho oo da'da kasoo muuqato.

sidoo kale tinta inay noqoto mid tabardaran oo ay yaraato

Toonta waxay kaa caawinaysaa inay kor uqaado collagenka jirkaagu ubaahanyahay ayna yaaradan calamadaahasi  waxayna kor uqaada quruxda maqaarka iyo tintaba.

Sidoo kale waxay daawo utahay finanka wajiga kasoo baxa iyo qaybaha kale ee jirkeena.

9: Waxay kor uqaada caafimaadka maskaxda

Toonta waxay uwanaagsantahay caafimadka maskaxda  waxaana ka caawinaya macadanaha iyo fitaminada kala ah "magnesium,VitaminB6".

waxaa kale ee toontu ladagaalantaa caabuqyada ku dhaqa maskaxda si meesha looga saaro xasuusyaridu oo aysan qofka ugu imaan.

dadka isku arka ilowshaha ama xasuus yarida waxaa dhakhaatirtu kula talinayaan inay joogtaystaan isticmaalka toonta silooga hortego  garashada qofka inay hoos udhac kutimaado taas oo inta badan sababi karta xanuunka loo yaqaano "Alzheimer's"xanuunkan oo inta badan dhaawaca unugyada xasuusta qofka.

 toonta ayaa uleh faaido caafimaad oay kaga hortegayso in wax dhaawaca loo geysto unugyadaas.

10: Waxay toontu daawo utahay Nabarada in ay deg deg u raystaan

Toonta ayaa ah mid uwanaagsan raysashahada ay sameeynayan nabraha dadka kasoo gaara qaybo  jirkooda  kamida waxayna toontu sideg dega uga qaybqaadata in dhaawacyada yar yar ku raystaan waxayna  kahortegtaa nabarahaasi ay in infection qaadan 

Dhakaatiirta baartaanad sameyay  ayaa sheegaya hadii qofku joogteyo isticmaalka toonta mudo asbuucyo gudahooda inay ku raystaan nabarada soogaray 85% in natiijo guul ah laga gaaray  bay sheegeen

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

FAAIDADA UKUNTA AY CAAFIMADKA ULEEDAHAY

  UKunta isticmaalkeedu ma mid inoo wanaagsanba   Imisa ukuna ayaan maalinki cuni karnaa Haa oo ukunta waxay naga caawinta siaan uga helno nafaqooyinka jirkeena uu sida maalinlaha ah ugu baahanyahay. Ukunta waa meesha ugu wayn ean kanhelno proteinka taas oo ka kooban  inkabadan 13kamida fitamino iyo macdano. Ukunta waxay qani ku tahay fitaminada kala ah VitaminA,VitaminD,vitaminE. iyo Omega3, fatty acid oo shaqadadoodu  ay kamid yihiin inay ka qaybqaatan caafimadka maskaxda, dheefshiidka,caafimaadka lafaha,caafadka wadnaha iyo yaraynta kalastatoolka ,koritaanka timaha iyo maqaarka. Ukunta waxay ka saarta sunta jirka ka, ukunta waa meesha ugu wayn oan ka helno proteinka. Ukunta waxaan ka heli karnaa maadada loo yaqaano "choline" oo ufiican hooyada uurka leh. Ukunta qaybteeda cad 60% waaxay ka koobantahay proteinka halka inta soo hartay ee jaalaha ah ka koobantahay fitamiinada iyo macdana kala duwan.  Imisa boratiina baa ukuntu ka koobantahay   Ukuntu wa...

FAAIIDADA CAAFIMAAD EE QARAHA INOO LEEYAHAY

Qaraha ama xabxabka waa khudaarta ugu wanaagsan ee uu jirkaagu kaheli karo biyo  kufilan maxaa yeelay 90% qarahu waxaa uu ka koobanyahay biyo. Waxaa kale oo Qarahu aad ugusii fiicanyahay dadka aan biyaha aadka u cabin waxayna biyaha  lasii isticmaali  karaan qaraha inta cabida biyaha ay kala qabsanayaan  waxayna qaraha kasii heli karaan biyo kufilan.  Qaraha waa mid aad ugu wanaagsan caafimaadka qofka faaido badan waa uu layahay waxaana kujiro nafaqooyin badan sida macdano iyo fitamiino waxaana kamida potassium,magnisium,VtaminA,vitaminC, lycopene. Faaidooyinka ugu waawayn ee qaraha uu leyahay waxaa kamida 1-Caafimaadka wadnaha ayaa ufiicanyahay  qaraha waxaa uu ufiicanyahay wadnaha waxaana uu hoos  udhigtaa kalastaroolka xun ee looyaqano "LDL" waxaa  kale oo hoos udhigaa dhiikarka taaso ka qaybqaadanaysa caafimaadka wadna. Hadaba Hadii aan la yarayn kalastaroolka noociisa xun  waxay kaladhalan kara in ay xirmaan xidida dhiiga  wadnaha g...