19 -6-2024
Socodku waxa uu faa’iido weyn u leeyahay horumarinta caafimaadkeena ama waxa uu qayb weyn ka qaataa wanaajinta caafimaadkeena guud, gaar ahaan jidhka iyo maskaxda iyada oo la dhimo culayska aanu dareemno wakhtiyada qaar taas oo keeni karta in aanu dareenno werwer iyo cabsi.
Qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu weyn ee socodka waxaa ka mid ah:
1: Waxa uu kordhiyaa dheecaanka synovial ee shaqadoodu tahay in ay lafaheenu dhaqaaqaan iyaga oo aan jabin waxa ay saliideeyaan kala goysyadayada.
2: Waxay kordhisaa caafimaadka guud ee jidhka qofka si aanu wax xanuun ah u dareemin caafimaadkiisana u wanaajiso.
3: Sidoo kale socodku waxa uu qofka ka yareeyaa walbahaarka isaga oo kordhiya Ogsajiinta
4: Socodku waxa uu wanaajiyaa caafimaadka murqaha lugaha, bawdada iyo barida, taas oo qofka ka dhigaysa mid toosan.
5: Waxay hoos u dhigtaa miisaanka qofka haddii uu socdo 30 daqiiqo maalintii, waxay kordhisaa miisaanka jidhkiisa, taasoo keeni karta cudurro halis ah, sababtoo ah miisaanka qofka oo kordha, sida sonkorta iyo kolestaroolka. badan
6: Waxa uu ka qayb qaataa dhaq-dhaqaaqa lafaha qofka oo noqda mid adag.
7:Waxay kordhisaa difaaca jidhka kaas oo u sahla unugyada dabiiciga ah inay dilaan ama burburiyaan unugyada halista ah sida kansarka iyo Virus-ka kuwaas oo jidhka ka ilaaliya wax kasta oo khatar ku ah caafimaadkeena.
8: Haddii aad qabto sonkor ama sonkorow, socodku waxa uu kaa caawinayaa in aad xakamayso xanuunka macaanka, kaas oo khatar ku ah caafimaadkaaga hadii uu macaanku sii xumaado.
9: sidoo kale socodku waxa uu faa'iido u leeyahay in uu yareeyo caabuqyada ku dhaca jidhkeena waana wax ka hortag ah
10:Ugu danbayn socodka waxa ay wanaajisaa araga qofka waayo waxa ay yaraysaa sokorta ,taasi oo daciifisa araga iyada oo dhaawacaysa neerfaha araga.
Kansha allah waxaan ka faidnay wax badan noso badi drs fariha.
ReplyDeleteHaye i.n mahadsanid
DeleteMaasha allaah
ReplyDelete