Afaakadhadu (Avocado): waa meesha ugu badan ee aan ka heli karo vitaminC ,VitaminE vitami,K,iyo B6,folate,riboflain,niacin, magnesium,potassium. Omega3.fatty acid. dhamaantoodba waxay waxtar wayn uleeyhiin caafimadmena.
Hadii aad isticmaasho afakadhada waxay faaido kuu leedahay hadaad rabto inaad miisaan dhimis samayso,iyo qurxin maqaarka, iyo kahortega xanuunada kansarka,sonkorta, iyo xanuunada wadnaha kudhaca waaxaadna ubaahantahay inay kamid noqoto ooad ku darsato cuntooyinkaaga joogtada uisticmaasho.
Sidoo kale baaritaano caafimaad baalagu ogaaday inay waxtar wayn uleedahay dhiikarka,calool istaaga, xanuunada lafaha kudhaca.
Hadaba qormadaan waxaan ku faahfaahin doona faaidoyinka eey nooleedahay:
1: Caafimaadka wadnaha: afakaadhada ayaa uleh waxtar wayn caafimaadka wadnaha waxanaa laogaaday in asbuuca dhan qofku haduu isticmaalo hal xabo afakadho ah inay ka caawinayso inuu ka badbaado inay xirmaan xididada wadnaha dhiiga geeya ay isla markaasna qofka dhibaato caafimad daro wadnihiisa kutimaado ama khatar kale oo ah in stroke kudhici karo.
2:Dhiikarka: afaakadhadu waxaa ku jirta xadi badan oo potassium taas oo keenaysa in sodiumta ama cusbadu ay ku yaraato dhiiga sababna unoqoto in dhiigkarku uu yaraado qofka wax dhibaato ah aysan kasoo gaarin.
3:kansarka : Baarayaasha cilmiga caafimaadka waxay ku ogaadeen in afakaadhadu baaritaano kala duwan oo ay ku sameeyen sida ay wax tarka ugu leedahay afakaadhadu kahortega kansarka waxaana lagusoo ogaaday baaritaanadaas in maadada ku jirta ee lagu magacaabo "folate" ay yarayso khatarta ah kansarka caloosha kudhaca iyo kan kudhaca ganaca iyo xiidmaha.
4:Sonkorta: afakaadhada ayaa laogaaday inay sonkorta type2 inay aad ugu wanaagsantahay miisanka qofkana ay hoos udhigto taasna ay sabab utahay sonkortiisa inay degto sidoo kale baaritaana dheeriya oo lasameeyay ayaa sheegaya in ay waxtar wayn uleedagay type1 ayna si wanaagsan umaamusho sonkorta dhiiga ku jirta.
5:Maqaarka : afakaadhada ayaa ah mid qurxisa maqaarka maxaa yeelay waxay qani ku tahay fitamin" C" iyo Fitamin "E" kuwaas oo kaa daaweya maqaarks qalaylka badan kana dhigta mid qoyan iftiimina usamaysa kana kortegta calaamadaha duudubka ama duqnimo inuu yeesho maqaarkeenu.
6:Lafaha :Afakaadhada baa kamida khudaarta aadka waxtarka ugu leh lafaha waayo waxay ka koobantahay wax walba oo ufiican caafimad qabka lafaha waxaana laga helikaraa maadooyinka calcium,potassium,magnisium, phosphores.vitamink,VitaminD, intaaso dhan oo lafaha caafimad qabkooda ufiican bay qani ku tahay si gaarana Vitami K.
7:Hooyada uurka leh : afakaadhada ayaa ah mid aad ugu wanaagsan caafimaadka hooyada uurka leh iyo ilmaha uurku jirka ah maadada ku jirta ee lagu magacaabo "folate" waxayna yaraysaa khatarta dilanka ee hooyada kuyimaada ama ilmaha oo dhibato caafimad ku dhasha waxaana lagula taliyaa hooyada uurka leh inay isticmaalkeda ay badsato.
Sidoo kale maadada kale ee kujirta laguna magacaabo "fatyacid" ayaa iyaduna uwanaagsan qaybna ka qaadata ilmaha uurku jirka koritaanka maskaxdiisa.
8: Dheefshiidka :afakaadhada waxaa kale oo ay uwanaagsantahay dheefshiidka waxayna ka caawinaysa qofka qaba calool istaaga waxaana u fududaynaya maadada qaniga ay ku kutahay a ee "Fiber" taas oo sahlaysa qofka caloosha inay socodsiiso, dheefshiidkana u haajisa, kana hortegta kansarka ku dhaca xiidmaha.
9: Miisaanka : afakaadhada ayaa qayb weyn ka qaadata miisaan dhimista maxaayeelay wuxaa ku badan "fiber" taas oo qofku markuu cuno afakaadhada dhereg dareensiiso macquulna tahay in uusan saacado badan dareemayn inuu cuno ubaahyahay taasna ay suura gelinayso miisanka oo aan kordhin.
10: Araga: afakaadhada ayaa ah mid uwaangsan araga qofka inuu san daciifin ama habeenkii aragiisu hoos udhicin wax dhiba ugaysan aragiisa waxaana usababa madada ku jirta oo lagu magacaabo "lutein" taas oo shaqadeedu tahay ilaalinta iyo kor uqaadida araga.
Maasha allaah
ReplyDelete