Saliidaha aan uisticmaalo cuna karinta baa isugu jira kuwo caafimadkena ufiican iyo kuwo udaran qoraalkan maantana waxaan kusoo gudbin doona kuwa caafimadkena uwanaagsan oay tahay inaynu ku karsano cunadeeda .
Waxaan halkan kusoo gudbin doona kuwooda ugu wanaagsan looguna isticmaalka badanyahay waxaana ugu horaysiinayna saliid saytuunka.
1:Olive oil:
saliida saytuunka saliidan baa ah kuwa ugu wanaagsan ee caafimadkena kor uqaadaysa waxyaabaha aan ka faaidayno isticmaalkeedana waxaa kamida
●Inay ufiicantahay caafimadka wadnaha
●Inay yarayso khatarka uu kugu dhici karo xanuunka cancerka
●Chlestrolka oay yarayso iyo inaysan wax culaysa kugu siyaadinayn.
2: Avacado oil:
Saliida afakaadhada laga sameeyo waxayna udhigmataa waxtarkeedu saliida saytuunka ah waana dufanka wanaagsan oo aan ubaahanay waxayna qani kutahay nafaqooyinka aan ubaahanahay waxayna qani kutahay potassiumka calciumka iyo iron iyo vitaminado badan oay qani kutahay.
3: Flaxseed oil:
iyada waxaa laga sameey flaxseedka ama geedka looyaqaano "shamaarka" Oo inoo leh faaidoyin caafimaad oay kamid yihiin:
●Inay kor uqaado dheefshiidkeena
●Kahortegto cancerka
●Yaraynta ama hoos udhigtoh sonkorta
●Sidoo kale dhiigkarkana way dejisaa
●Dufanka badana inaka yaraysa.
4: Coconut oil:
saliid qumbe waxay iyaduna waxay kamid tahay saliidaha aad ugu fiicantahay caafimaadkena waxaana kamida faaidooyinkeda:
●Inay wanaajiso habka maskaxdeenu ushaqaynayso
●Inaan dufanka wanaagsan oaan ubahanahay ka helno
●Inay haagajiso timaha iyo jirka
●Iyo kahortega infectionka.
5:walnut oil:
saliidana waxaa laga sameeya lowska oo faaidoyin caafimadoo badan inoo leh waxaana kamida:
●Inay kahortegto wadna xanuun
●Timaha inay kuu bixiso
●inay hoos udhigto Jirka oo qalayl yeesha
●Inay kor uqaado taranka raga
●Iyo in ay Madax xanuunka iyo infectionada kahortegto.
6: Sunflower oil:
Saliidana waa saliida qorxada uqaab eegyahay geedka laga sameeyaa faaidooyinka caafimad ay nooledahayna waxaa kamida:
●Inay kahortegto Asthma ama Neefta
I●nay kahortegto xanuunada lafaha ku dhaca
●Inay awood dheeriya kusiiso
●iyo inay kaa dawayso welwelka iyo xanuuno kaleba.
7:Butter:
Subaga ayaa ah dufanka wanaagsan oan ubaahanahay waxaana ku jirta nafaqooyin badan oo ufiican lafaha iyo vitamino ugu wanaagsan waxaana kahelaysaa awood waxaa laga yaaba wax yar aad ka isticmaasho inay kugu filnaadan.
● miisaankaagana maahan mid kordhinaya
●hormonada gaar ahaan qanjirka dhuunta ee thyroidka buu aad ugu wanaagsanyahay
● welwelka wuu dejiyaa faaidoyinkiisana maahan kuwo qoraalkan kusoo koobi karno.
8 mustard oil:
macsarada ayaa ah mid kamida saliida u wanaagsan caafimaad ahaan iyadoona nooleh faaidoyin caafimad oay kamid yihiin:
●Waxay uwanaagsantahay dheefshiidka iyada oona kahortegta calool fadhiga ama saxarada oo adkaata.
●Sidoo kale waxay u wanaagsantahay boogta caloosha ku samysmata oo kadhalata infactionka caloosha kudhaca ee" H.ppylori"
●Waxa kale ay ka hortegtaa gastriga caloosha oo cancerka isku bedeli kara noqonkarana hadaan laiska daawayn goor hore.
Sidoo kale waxay jirka kadhigtaa mid caafimaad qaba iyadoona ka saarta waxyaalaha sunta .
Maasha allaah jasaaka allaah khayr
ReplyDelete