Iframe sync WAA MAXAY FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE CANABKA UU LEEYAHAY Skip to main content

FAAIDADA UKUNTA AY CAAFIMADKA ULEEDAHAY

  UKunta isticmaalkeedu ma mid inoo wanaagsanba   Imisa ukuna ayaan maalinki cuni karnaa Haa oo ukunta waxay naga caawinta siaan uga helno nafaqooyinka jirkeena uu sida maalinlaha ah ugu baahanyahay. Ukunta waa meesha ugu wayn ean kanhelno proteinka taas oo ka kooban  inkabadan 13kamida fitamino iyo macdano. Ukunta waxay qani ku tahay fitaminada kala ah VitaminA,VitaminD,vitaminE. iyo Omega3, fatty acid oo shaqadadoodu  ay kamid yihiin inay ka qaybqaatan caafimadka maskaxda, dheefshiidka,caafimaadka lafaha,caafadka wadnaha iyo yaraynta kalastatoolka ,koritaanka timaha iyo maqaarka. Ukunta waxay ka saarta sunta jirka ka, ukunta waa meesha ugu wayn oan ka helno proteinka. Ukunta waxaan ka heli karnaa maadada loo yaqaano "choline" oo ufiican hooyada uurka leh. Ukunta qaybteeda cad 60% waaxay ka koobantahay proteinka halka inta soo hartay ee jaalaha ah ka koobantahay fitamiinada iyo macdana kala duwan.  Imisa boratiina baa ukuntu ka koobantahay   Ukuntu wa...

WAA MAXAY FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE CANABKA UU LEEYAHAY









 

Canabka  waa mid kamida khudar dhadhan ahaan macaan waxaana lagahelaa macdano iyo fitamiino  faaido uleh caafimaadkena.

Canabku wuxuu leeyahay midabo badan sida guduud,madow,cagaar, iyo jaalaha.

Canabka waxaa laga sameeya sabiibta iyo waxyaabo kale.

 Canabka waxaa ka buuxo macdano kala duwan iyo fitamiino waxaana kamida Copperka oo shaqada ay inoo qabataa ay kamid tahay inay inoo siyaadiso tamarta iyo vitamin k oad ugu fiican caafimadka lafaha.





10ka Faaido oo canabku uleeyahay

1-Waxaa uu ka hortega kalastaroolka 

Canabka wuxuu kahortegaa kalastaroolka wuxuuna ka qaybqaata in hoos loo dhigo kalstaroolka baaritaano caafimaad oo lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday kalsataroolka noociisa xun ee loo yaqaano "LDL"  inuu hoos udhigo.

hadaba hadii aan hoos loodhigin kalastaroolka ayaa sabab unoqon kara dhibaatoyin caafimaad oo ay kamid tahay in ay xirmaan xidida dhiiga,   wadna xanuun, iyo faalig ama stroke.

Waxaana lagu la talinaya dadka qaba kalastaroolka inay joogtaystaan isticmaalka canabka.

2-kansarka ayaa uu kahortegaa 

Kansarka ayaa dhibaato badan ku haya dadka aduunkaan ku nool kuwaaso wadama kala duwan kaga kala nool sanad walbana waxaa lagu arkaa in uu kudhoco dad aad utira badan.

Hadaba khudaarta dhakhaatiirtu ku talinayan in labadsado isticmaalkeeda waxaa kamida canabka maxaa yeelay canabku waxaa ku jira maadoyinka sunta ka saara jirka waxaana lagu ogaaday baaritaanadi lagu sameeyay inuu ka hortego kansarka ku dhaco ama kusii fido mindhicirada, naasaha, iyo beerka.

3-Sare uqaadista Caafimaadka wadnaha 

Canabka wuxaa uu uwanagsanyahay wadnaha waxaana halki koob oo canabka ahi ka koobanyahay 300grm ooah potassium taaso udhigmata 6meelood maalinki inta potassium ah oan ubaahanay inaan qaadano hadaba hadii ay  kugu yaraato  macdanta potassiumka  waxay sababi kartaa wadna xanuun iyo strok .


4-Kahortega sonkorta

Canabka dhadhankiisa waa mid macaan laakinse waxaa ku yar "glycemic index" waxaana laga helaa  khudaarka qaybteed bse canba waxa uu kamid yahay khudrada ay ku yartahay sidaas darteed wax saamayn ah kuma yeelanayso heer ay sonkortu siyaado.

 waxaa kale oo  canabka ku jirta maado looyaqaano "Resveratol" waxaayna naga caawinaysaa inay kor uqaado shaqada insolinta iyadoona hoos udhigaysa sonkorta

5- Waxa uu uwanagsanyahay caafimaadka  indhaha

Canabka waxaa ku jira fitamiino iyo macadanta "lotin" taas oo si dabiiciya uga saarta sunta  kana ilaalisa indhaha waxyeelada ama dhaawac inuu kasoo gaaro iftiinka badan oo indhaha ku dhacaya kana kahortegto in dhibaato caafimaad daro ay indhaha  ku timaado islamarkaana ay  ka bad baadan xanuunada kudhaca indhaha.

Sidoo kale  canabku waxa uu kahorteg uyahay caadka indhaha aragooda daboola oo loo yaqaano "macular degeneration" una badan dadka waa wayn mararka qaarna ay macquul tahay in dadka yar yarna lagu arko xiliyada qaar oo sababa kala duwan ugu imaankarta .

 6-Waxaa uu qurxiyaa maqaarka

Canabka waxaa laga sameeya dhamaan kareemada laisku qurxiyo gaar ahaan kuwa looga hortego Da'da  inay kasoo muuqato  qofka wajigiisa qofka marka ay da'diisu  waynaato  waxaa inta badan debca murqaha wajiga waxaayna kasoo muuqataa wajigiisa.      

canabka waxaa laga sameeya kareemada kuwo wajiga lagu nadiifiyo,seeramada ,iyo kareemada wajiga waxay siiyaan qoyaan iyo dhalaal waxayna kareemadasi oo wajiga usoo celinaya quruxdiisi hore.

7-Waxaa uu lafaha kadhigaa kuwo adag

macdanaha iyo vitamiinada ku jira  canabka ayaa ah kuwo uwanaagsan caafimaadqabka  lafaha waxa ayna  kahortegaan in lafaha ay noqdaan kuwo  jilicsan oo si sahlan ku jabaan waxaana ka caawinaya "Resveratrol"  oo qaybta ugu wayn qaadata una wanaagsan caafimadka lafaha.

 8-Wuxuu kahortegaa Becteriyada 

Canabka waxaa ku badan vitaminC  taaso sabbaysa in aad ka bad baado inay kugu dhacaan infectionada.

canabka waxaa kale  uu kor uqaada difaaca qofka taaso oo keenaysa inaad ka bad baado xanuuno badan oo difaacagu haduu yaraado kugu dhici lahaa sida in hargabku inuu kugu soo noq noqdo iyo xanuunada kale in aad u nuglaatid.

 9-Kor uqaadida caafimadka maskaxda

Canabku waxaa ku jira maadada "Resveratol"  waxay kor uqaada xusuusta iyo garashada qofka  canabku waxaa kale  ee uu yareeya madax xanuunka iyo tamardarida waxana kor uqaada garashada iyo si guud maskaxda caafimaadkeda.

Waxaana uu kahortegaa xanuunka ilowshaha  oo astaamaheeda ay kamid yihiin in qofka  lagu arko inuu kala garan waayo dadkiisa  ugu dhow uuna waayo xusuusihii hore  ee ugu waawaynaa ee uu lasoo kulmay noloshiisa intii ubadnayd waxaana lagu arkaa inta badana uu  kudhaca dadka waayelka waxaana xanuunkaas loo yaqaano "Alzheimer's" 


10-Waxaa uu ufiicanyahay canabku calool istaaga

Canabku waxaa laga helaa fiber oo kaqayb qaadata in calool istaag aadan isku arag sidoo kale canabku waxa uu leeyahay biyo waxay biyuhu kahortegaan calool istaaga.


Comments

Popular posts from this blog

FAAIDADA UKUNTA AY CAAFIMADKA ULEEDAHAY

  UKunta isticmaalkeedu ma mid inoo wanaagsanba   Imisa ukuna ayaan maalinki cuni karnaa Haa oo ukunta waxay naga caawinta siaan uga helno nafaqooyinka jirkeena uu sida maalinlaha ah ugu baahanyahay. Ukunta waa meesha ugu wayn ean kanhelno proteinka taas oo ka kooban  inkabadan 13kamida fitamino iyo macdano. Ukunta waxay qani ku tahay fitaminada kala ah VitaminA,VitaminD,vitaminE. iyo Omega3, fatty acid oo shaqadadoodu  ay kamid yihiin inay ka qaybqaatan caafimadka maskaxda, dheefshiidka,caafimaadka lafaha,caafadka wadnaha iyo yaraynta kalastatoolka ,koritaanka timaha iyo maqaarka. Ukunta waxay ka saarta sunta jirka ka, ukunta waa meesha ugu wayn oan ka helno proteinka. Ukunta waxaan ka heli karnaa maadada loo yaqaano "choline" oo ufiican hooyada uurka leh. Ukunta qaybteeda cad 60% waaxay ka koobantahay proteinka halka inta soo hartay ee jaalaha ah ka koobantahay fitamiinada iyo macdana kala duwan.  Imisa boratiina baa ukuntu ka koobantahay   Ukuntu wa...

FAAIIDADA CAAFIMAAD EE QARAHA INOO LEEYAHAY

Qaraha ama xabxabka waa khudaarta ugu wanaagsan ee uu jirkaagu kaheli karo biyo  kufilan maxaa yeelay 90% qarahu waxaa uu ka koobanyahay biyo. Waxaa kale oo Qarahu aad ugusii fiicanyahay dadka aan biyaha aadka u cabin waxayna biyaha  lasii isticmaali  karaan qaraha inta cabida biyaha ay kala qabsanayaan  waxayna qaraha kasii heli karaan biyo kufilan.  Qaraha waa mid aad ugu wanaagsan caafimaadka qofka faaido badan waa uu layahay waxaana kujiro nafaqooyin badan sida macdano iyo fitamiino waxaana kamida potassium,magnisium,VtaminA,vitaminC, lycopene. Faaidooyinka ugu waawayn ee qaraha uu leyahay waxaa kamida 1-Caafimaadka wadnaha ayaa ufiicanyahay  qaraha waxaa uu ufiicanyahay wadnaha waxaana uu hoos  udhigtaa kalastaroolka xun ee looyaqano "LDL" waxaa  kale oo hoos udhigaa dhiikarka taaso ka qaybqaadanaysa caafimaadka wadna. Hadaba Hadii aan la yarayn kalastaroolka noociisa xun  waxay kaladhalan kara in ay xirmaan xidida dhiiga  wadnaha g...

MAXAAD KALA SOCOTAA FAAIDADA TOONTA AY CAAFIMAADKA ULEEDAHAY

Toonta waa mid kamida khudaarta aadka loo isticmaalo gaar ahaan soomaalida ayaa kamid ah dadka sida joogtada uisticmaala kuna darsada cunooyinka waxaana cunada usamaysa caraf iyo dhadhan macaan waxaana ay faaido wayn uleedahay caafimaadkena. Halka ay dadka qaarkood lagayaabo in aysan jeclayn isticmaalkeda oay dhadhankeda dhibsadaan waxaase kasii badan  dadka isticmaala faaidooyinka caafimad oo ay ka heli karaa. Toonta waxaa laga helaa macdano  iyo fitamiino badan oay kamid yihiin fitaminadaC,FitamiB6,manganise, fiber,selenium. Toonta waxaa ay daawo utahay xanuuno badan waxaana kamid hargabka,waxay hoos udhigtaa  dhiikarka,kalastaroolka iyo xanuuna kale oan faahfaahin doono. Dadka qaarkood waxay uisticmaalan biyo inay ku darsadaan oo aroorta hore cabaan calooshoda oo maran waxayna faaido utahay sunta oay kasaarto jirka. 10Faaido oo ugu waa wayn ee toonta laga heli karo 1-Waxaa ay Toontu  daawo utahahay hargabka Toonta waxaa ay aad ugu fiicantahay qof hargabsan hadii h...