Moosku wuxuu kamidyahay khudaarta ugu fiican ee qaniga kuah macdanaha potassiumka magneisum iyo vitaminc iyo vitami B6.
WAA MAXAY FAAIDOYINKA CAAFIMAAD EE UU NOOLAHAY MOOSKU:
1: Wuxuu aad ugu fiicanyahay dadka qaba dhiikarka faaido wayna uleeyahay maadama uu qani kuyahay potassiumka
Sidaas darteed baa ururka caafimadka US qaybtiisa wadnaha marwalba dadkeeda dhiikarka qaba ugu waanisaa
●inay cuntadooda ku yareeyan milixda ku yareeyaan
● inay isticmaalan cunooyinka ay ku badantahay potassiumka oo moosku kamid yahay
2: Sidoo kale waxa uu aad ugu fiicanyah dheefshiidka iyadoona ku jirto maadada fiberka taaso ka hortegta calool fadhiga iyo calool xanuunka dheefshidka qofkana hagaajisa.
3: Wuxuu kahortegaa cudurka cancerka weliba kan dhiiga ku dhaca
4:Wuxuu ufiicanyahay caafimaadka lafaha maadama uu potassiumka ku badanyahay
sidoo kalena wuxuu daawo kayahay murqa xanuunka
5: wuxuu kale oo aad ugu wanaagsanyahay dadka calooshu aadka usoconayso ama shumaya waxaana usabab macdanaha ku jira oah kuwo kahortegaya inuu qofku fuuqbax ku yimaado
6: Sidoo kale wuxuu aad ugu fiicanyahay Shaqada ay qabtaan kelyaha caafimadka qaba wuxuuna ka qaybqadata xakamaynta cadaadiska dhiiga
7:Waxa kale uu kaqayb qaata miisaan dhimista maadama uu kujirto maadada fibre taas oo qofka dhereg dareensiisa taasna waxay sabab unoqonkartaa qofku inuu iska yareeyo cunadii badnayd oo horay uisticmaali jiray halkaas miisan dhimistii qayb wayn ka qaato.
8: sidoo kale wuxuu ufiicanyahay caruurta siiba markay bilaha jiraan oo cunada labarayo waa waxyaalaha ugu fudud oo cunooyinka aad ku bari karto dheefshiidkooda ufudud vitaminona iyo macdonana kaheli karaan
9: Wuxuu hagaajiyaa qofka maskaxdiisa iyo dareemihiisa waxaana usaba macdanaha ku jira sida vitamin B6 iyo lasoo daayo kordhinta soo saarista seratonin taas oo qofka siinaysa deganaan iyo farxad inuu dareemo.
10: Ugu dambayntiina waxaad ka helaysaa energy ama awood dheeriya sababtuna waa inuu uu leeyahay sonkor dabiiciga ah ee dhakhso qofka tabarsiinaysa.
Maasha allaah Dr guulaysoš„°
ReplyDelete