1: Liindhanantu waxay ufiicantahay difaaca unugyada jirka waxayna qani kutahay vitaminc oo awoodsiinaya difaaceeneena
2: Waxay liindhanaantu uwanaagsantahay dheefshiidka biyaha liindhanaan leh hadaa ku darsato kahor cunadana aad sii cabto waxay kaa caawinaysaa in kor loo qaado dheecanada dheefshidka cunada si dhakhso ah loo bur buriyo waxaana lagu ogaado cilmbaaris lasameeyay in maadada citriga ayka caawinayso soo daynta dhecenada dheefshidka una sahlayso si dhakhso ah inay cunada ubur buriyaan
3: liindhanaantu waxay faaido wayn uleedahay caafimaadka wadnaha iyadoona hoos udhigta dufanka aan loo baahnayn eechlestrolka iyadoona dhiiga sunta ka saarta waxtar wayn uleh caafimaadka wadna.
4: Waxa kale oay ka hortegtaa kelyaha dhagaxa ku samaysma maadamada acidka oo kujirta baa ka qaybqaadanaysa burburinta dhagaxanta yar yar ee kelyaha ku samaysma taaso sahalaysa sifudud losoo qashinsaaro.
5: liintu waxay kor uqaada caafimadka lafaha maxaa yeelay waxaa kujira macdanta calcium iyo vitaminC oo ka caawinaya ilaalinta caafimadka lafaha.
6: Sidoo kale liindhanaantu waxay kamida tahay khudaarta "citrus fruits"waxtar wayn uleedahay hooyada uurka leh iyadoona ufiican xiliyada ay walaca ay tahay hooyadu inay aad ugu fiicantahay siiba xanuunka subaxda hore ee dareento ee lalabada iyo mataga.
Sidoo kale ilmaha uurku jirta faaido wayn uleh sida koritaanka lafihiisa Maxaa yeelay waxay qani kutahay vitaminc iyo calcium.
7: liindhanaantu waxay ka qaybqaadata qurxinta maqaarka kana saarto waxyaabaha aan loo baahnayn ee cimiladu ama qoraxda badan jirka ku saamayso isbedeladaas waxayna kana dhigto mid qurxan oo dhalaalna leh
iyo gabowga soo deg dega ka hortegto.
8: liindhanaan waxa kale oay faaido uleedahay timaha kana saarta agoolka iyo tima daadashada macdanaha iyo vitaminska liinnta ku jira baa ah kuwo uwanaagsan caafimaad qabka timaha.
9: Liindhanaantu waxaa kale ee ay ka hortegtaa Anemia ama dhiigyarida waxayna kaqayb qaadanaya vitaminC sidoo kale waxay ka qayb qaadata in lagasoonuugo iron cunooyinka kale taas oo u sahlaysa inay anemiyada kahortegto.
10: ugu damayna liindhanaantu waxay qayb wayn ka qaadata miisaan dhimista hadii aad biyaha cabaysid aad ku darto liindhanaan waxay kaa caawinaysaa inaa miisankaagu in aanu siyaadin.
Maasha allaah jasaaka allaah khayr
ReplyDelete