Isticmaalka badan ee milixda ama cusbada waxay khatar caafimaad ku tahay wadnaha oay adkaato inuu shaqadiisi sidii caadiga ahayd uguto waxayna kor ukac ku keentaa cadaadiska dhiiga waxaana kadhalan karto stroke ama in dhiig ku furmo maskaxda.
HADABA MAXAA CALAAMADO AH OO AAD KU OGAAN KARTAA INAAD ISTICMAASHAY MILIXBADAN ?
Waxaa dhicikarta qofku inuu isticmaalo cusbo badan oo cunada ku darsado oo aanu ka warhayn hadaba waa kuwaan calaamadaha kuu sheegaya in aad cusbo badan isticmaasha:
●Haraad badan: qofku markuu milixbadan isticmaalo ama cusboda waxay ku keenaysaa haraad kabadan markii hore uusan dareemi jiran sidoo kalena inuu dareemo biyo badan in uu baahnay markii dhiiga cusbadu kubadato baa maskaxdu waxay soo diraysaa fariin ah in qofku haraad dareemo.
●Barar : bararkaas oo inta badan laga dareemikaro wajiga gaar ahaan indhaha hoostooda lugaha siiba canqowgayada iyo gacmaha bararkaas oo hadii lataabto laga dareemayo damqasho waana fariin uu laguuso dirayo oo ku dareensiin karta isticmaalka badan ee milixda.
●Madax xanuun: madax xanuunka ayaa ah calaamad kale oo kuu sheegaysa inaad inbadan oo milixa isticmaashay waxaana ka dhalanaya dhiiga oo kaca taaso keenaysa inay dareeman ciriiri xididada dhiiga ama ay siaan loogu talagelin ubalaartaan taas oay ka dhalanayso madax xanuun.
●kaadi badan, caloosha iyo oo hawo badan aad ka dareento iyo daal badan taas oo qofka ku keeni karta wel wel inuu kadareemo xaaladahan ku cusub
●sidoo kale dhiigkar inuu kugu dhaco baad halis ugu jirtaa hadii aad sii wadid isticmaalka milixda faraha badan
●kelyaha ayay iyagana dhagax ku samaynkartaa isticmaalka milixda badan taaso iyana ah khatar caafimad ku keeni karta keliyaha inay shaqadi qashinsaarka ay sidii hore uqaban waayan qofkana xanuuno ku keeni karta
●ugu damayn waxay ku keeni kartaa qofka inuu la qabsado cunada milixdu ku badantahay marwalbana raadiyo taas oo uqabandoonta sida balwada oo kale dadka isticmaala uqabatimaan siaysan taasi kugu dhicina waxaa loo baahanyahay inaad marka horeba iska yarayso isticmaalka faraha badan ee cusbada.
Intaas oo khatarood hadii ay keenayso isticmaalka badan ee milixda waxaa wanaagsan in laiska yareeyo isticmaalkeeda maadama ay halis ku tahay caafimadkena.
Maasha allaah allaah haku barakeeyo xbbt
ReplyDeleteMahadsanid baaye ❤
ReplyDelete