19-6-2024
Isticmaalka sonkorta oo qofku yareeyo ama joojiyoba waxay leedahay faaiidooyin caafimaad sida in qofka in miisaankiisu is dhimo iyo inuu yaraato gaajada marwalba uu dareemi jiray taaso ay sii weheliso tabardaradii hore udareemi jiray marku sonkorta badan isticmaali jiray inay yaraato intaas oo faaido ah iyo kabadan ayay nooledahay joojinta ama yaraynta isticmaalka sonkorta
Hadaba maxay saamayn ah oo ay ku leedahay qofku marku sideg dega u joojiyo isticmaalka sonkorta uu dareemayaa?
Dadka qaar ayaa sheegay in marka ay joojiyaan isticmaalka sonkorta ay lakulmaan calaamada kala duwan ay ugu horayso:
●madax xanuun saaid ah
●Caro badan
●Miisanka oo yaraada
●Daal
Hadaba hadaa dareentid calaamadahas aynu kor kusoo xusnay wax wel wela malahan oo jirkaaga ayaa ku jira laqabsiga marxaladan cusub oo uu marayo
Baaritaano caafimaad oo lasameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday qofka oo yareeya ama joojiya isticmaalka sonkorta inay hagaagayso ama sare u qaado caafimaadkiisa, tamartiisa iyo difaaciisa sidoo kale dheefshiidkiisa, miisanka oo kadhaca iyo hurda fiican inuu helo guud ahaana caafimaadkiisu noqdoh mid aad uga fiican sidii markii hore uu ahaa ee sonkorta badan isticmaali jiray
Cudurada Khatarta ah ee isticmaalka sonkorta faraha badan keento waxaa kamida:
●Sonkor ama macaan inay qofkii kudhacdo
●Cancer
●Wadna xanuun
●Dhiikar ama Stroke
●Hilmaan ama xusuusta oo yaraata
Iyo khatara kale oo caafimaad
hadaba taas ugama jeedno qofku inuu gebiahaanba macaanka joojiyo ee sonkorta bedelkeeda waxa uu isticmaali karaa macaanka dabiiciga ah wuxuuna ka heli karaa khudaarta iyo caanaha.
Maasha allaah
ReplyDelete